Garowe (Puntland Post):- Gudoomiyaha Degmada Godob jiraan ee Gobolka Nugaal Yuusuf Maxamed Faarax (Geesa-weyne) ayaa maanta la wareegey gaari boolis nooca lagu qaado maxaabiista ee loo yaqaano shabaqlaha , kana mid ahaa afar baabuur oo loo soo iibshay degmooyinka kala ah Xarfo, Godobjiraan,Isku shuban iyo Degmada Dongoroyo oo dhamaantood ka tirsan Puntland.
Taliyaha ciidanka kumaandoosta Puntland Col Jimcaale Jaamac Takar ayaa ku wareejiyey Gudoomiye Yuusuf Gaarigan oo 20 cisho ee lasoo dhaafey si kumeel gaar ah looga shaqeynayay howl-galkii loogu magac daray Danab 2 ee ka socday Caasimada Puntland, Wuxuuna imaanaya gaariga la siiyay degmada maamulka Godobjiraan ka dib markii dhawaan laga dhisay magaalada Godob saldhig boolis oo wayn..
Waxa uu sheegey Gudoomiyaha Degmada Godobjiraan inay hoosyimaadaan maamulkiisa in ka badan dhowr iyo labaatan tuulo oo u badan xeebo, sida lagu yaqaanana dhulka xeebaha ay ka dhacaan arrimo badan oo ku saabsan amniga , Islamarkaana uu wax weyn ka tari doono gaarigani sugida amnigooda.
Tan iyo Markii loo dhisay Godobjiraan Maamul iyo Golle deegaan waxay ka mid noqotay magaalada Godob degmooyinka soo koraya ee Puntland oo ku talaabsaday horumar muuqda , Godobjiraan oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa ka mid ah degmooyinka cusub ee Puntland .
Dhagayso Gudoomiye Yuusuf Geesa-weyne

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST