Gudoomiyihii Al-Shabaab Ee Ceel-Garas oo La Toogtay

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelgaras ee degmada Ceelbuur Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in xalay deegaankaas  lagu dilay  Gudoomiyihii  Al-shabaab u qaabilsanaa deegaankaas oo  Lagu magacaabi jirey Faarax Cali Raagge

Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur Nuur Xasan Guutaale oo la Hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa  sheegay in dhalinyaro ka Tirsan kuwa deegaanka Ceel-garas ee degmada Ceelbuur oo u adkeysan waayay dhibaatadiisa Faarax Cali Raagge oo Al-shabaab u qaabilsanaa deegaankaas  ay ku Guuleysteen dilkiisa.

Sababta ka dambeysay dilka Gudoomiyihii Al-shabaab u qaabilsanaa  deegaanka Ceelgaras ee degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu sheegay lacag madax furasho ah oo uu ninkaan ka qaatay wiil dhallinyaro ah oo kamid ah dadka deegeenka oo afduub  ahaan ay u heysteen Xarakada Al-shabaab.

PUNTLAND POST