Jaaliyadda Muslimiin ah oo u dhashay dalka Turkiga kuna nool dalka Jarmalka ayaa soo gaarsiiyey deeq ari ah oo loogu tala-galay munaasabadda Ciidul ADXA xarumo ay ka mid yihiin Isbitaalka lagu xanaaneeyo dadka dhimirka la, Xarunta Agoomaha iyo Barakacayaasha ku nool magaalada Garowe.
Deeqdan ayay usoo wakiisheen muslimiinta u dhashay dalka Turkiga ee ku nool dalka Jarmalka Sahro Cabbaas Faarax oo degan dalka Jarmalka, waxayna Sahro usoo wakiilatay inuu gudoonsiiyo xarumaha loogu tala-galay Cabdirasaaq Maxamed Agoon.
Cabdirasaaq ayaa alle uu uga baryey inuu bedel kheyr ka siiyo Jaaliyaddii usoo dhiibtay deeqdan goobaha ay ku nool yihiin bulshada tabaalaysan , Isagoona sheegey in sanadkani uu yahay midkii afaraad oo ay qeybinayaan deeqda ka timaada muslimiinta u dhashay dalka Turkiga ee ku nool wadanka Jarmalka.
Waxa uu intaas ku daray Cabdirasaaq inuu gaarsiiyay goobihii deeqdu ku socotay tirada ari 16 neef ah , Islamarkaana ay kusoo aadisay isaga Gabadh magaceeda la yiraahdo Sahro Cabbaas Faarax .
Daawo Muuqaal iyo Sawiro.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST