Godobjiraan (Puntland Post):- Wafdi uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dowladaha hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Cabdulaahi Xaashi Qoobdeero ayaa shalay gaaray Degmada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal , Waxaana si diiran halkaas ugu soo dhaweeyey qaybaha duwan ee bulshada iyo maamulka Degmada Godobjiraan.
Cabdulaahi Xaashi Qoobdeero waxaa ku wehlinaya socdaalka uu ku tagay Degmada Godob mudanayaal ka tirsan Xildhibaan Liibaan oo ka mid ah baarlamanka dowlada Puntland iyo Madaxda ugu sareysa Hay,adda ICRC oo ka shaqeysa qodista Ceelasha riigaga.
Ujeedada socdaalka waftiga ayuu ku sheegey Gudoomiyaha Degmada Godobjiraan Yuusuf Geesa-weyne inay la xiriirto saddex arrimood oo ay ka mid yihiin Xal ka gaarista khilaaf ka dhex jiray maamulka degmada iyo Gollaha Deegaanka Godobjiraan, U kuurgalida xaalada abaarta ka jirta deegaankaas iyo Qodista ceel riig ah oo ay hay,adda ICRC ka bilaabayso Degmada Godobjiraan.
Wasiir Cabdulaahi Xaashi Qoobdeero iyo Waftigiisa ayaa kulamo la qaatay maamulka degmada ,gollaha deegaanka.Odoyaasha dhaqanka,Culimo udiinka,iyo Ardeyda Godobjiraan, waxayna kala hadleen sidii ay u dhex mari lahayd maamul iyo shacab wada shaqeyn, Islamarkaana loo hiigsan lahaa horusocod.
Maamulka Degmada Godobjiraan ayaa sheegey inay guul kusoo dhamaadeen howlihii waftigu u yimaadeen, Islamarkaana xal buuxa laga gaaray khilaafkii ka dhex jiray maamulka iyo gollaha deegaanka .
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST