Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa faraysa dhamaan shaqaalaha Dowlada Puntland inay ka faa,iideystaan barnaamij deeq waxbarasho Jaamacadeed ah oo loogu talo-galay in lagu kobciyo Kartida, Tayada iyo Xirfadda Shaqaalaha.
Deeqdan waxbarashada Jaamacadeed ayaa ah mid ka kooban heerka 1aad iyo kan 2aad ayay Wasaaradda Waxbarashada Puntland u dejisay qorshe ka duulaya hufnaanta qaybinta deeqaha waxbarasho, waxayna u samaysay hanaan lagu maamulayo ka dib markii uu guddi u magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland .
Warbixin kazoo baxday Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa lagu wargaliyay dhamaan shaqaalaha dowladu inay ka faa,iideystaan fursadan oo ah mid socon doonta ilaa 09/09/2016
Hadaba halkan hoose ka Akhriso Faahfaahinta Deeqdan
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2016/09/DW1.pdf
Sidoo kale halkan hoose ka akhriso Shuruudaha Deeqda Waxbarashada ee loogu talo galay inay ka faa,iideystaan dhamaan Shaqaalaha Dowlada Puntland
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2016/09/DW2.pdf
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST