Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay sharciga xisbiyada Siyaasadda

XASAN-SHEIKHMuqdisho (Puntland Post):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta galinkii danbe saxiixay sharciga Axsaabta Siyaasada, kaasoo bishii June ee la soo dhaafay uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada oo ay ka qeyb geli doonaan Mas’uuliyiinta dowladda iyo qeybaha bulshada ayaa madaxweynuhu ku saxiixay sharciga Axsaabta Siyaasada ee Dalka.

Sharcigan oo marxalado kala duwan soo maray ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka, waxaana saxiixa maanta uu saxiixayo Madaxweynuhu ay ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan dalka uu galayo doorasho.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo hadal ka jeediyey munaasabada saxiixa sharcigaan ayaa sheegay in loo baahanyahay in xisbiyadu ay noqdaan kuwo leh ajande siyaasadeed oo dalka iyo dadka horumarinaya waxaana uu ka digay in xisbiyadu ay noqdaan kuwo doorashad lagu galo oo kaliya.

In ka badan 10 Xisbi Siyaasadeed ayaa ka jira magaalada Muqdisho, iyadoo ay hoggaaminayaan Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay.

Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay u gudubto nidaamka xisbiyada badan, si meesha uga baxo nidaamka qabaliga oo ah kan hada ka jira Soomaaliya, ee lagu soo dhisayay dowladihii u dambeeyay.

Sharcigan uu saxiixay Madaxweynaha ayaa ku soo aadeysa, iyadoo lix cisho ay ka harsan tahay xilliga Xafiiska ugu eg yahay oo ah 10 September oo aheyd afar sano ka hor xilligii la doortay.

Dhegeyso codka Madaxweynaha.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST