Guddiga Doorashada Dadban heer Federal oo maanta su,aalo lagu waydiiyay Garowe

Kulan xog-waraysi iyo Iftiimin hanaanka iyo Hab-raaca doorashooyinka dadban ee Soomaaliya 2016-ka ayaa maanta lagu qabtay xarunta cilmi baarista iyo horumarinta Puntland ee PDRC Magaalada Garoowe.Iyadoona ay si wada jir ah usoo qabanqaabiyeeen kulankan guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Puntland iyo Xarunta Cilmi Baarista iyo horumarinta Puntland ee PDRC,waxaana kasoo qayb-galay Siyaasiyiin,Aqoonyahano,Odayaal dhaqmeed,Haween iyo Dhalinyaro.

Intuu kullanku socday waxaa lays dhaafsaday su,aalo ku saabsan sida loo soo xulayo 51 xubnood ee soo dooranaya Xildhibaanada iyo shuruudaha laga doonayo.

Gudoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dad badan ee heer Puntand Nabadoon Khaliif ow Cali ayaa sharaxaad ka bixiyey sida 51 xubnood iyo shuruudaha laga doonayo ,sidoo kale wuxuu tilmaamay in 30% lagu heshiiyey in la siiyo Haweenku , taaso u dhiganta 16 xubnood, isagoo cadeeyey in aysan qaban doonin cidii aan shuruuda so buuxin.

DSCN3933Gudoomiye ku xigeenka PDRC Cali Faarax ayaa sheegay in muhiimada kullan uu yahay sidii loo iftiimin lahaa wixii ,mugdi ku jiro, islamarkaana laysku xog waraysan doono.

Shiikh Maxamud Xaaji ayaa fariin udiray guddiga doorashooyinka wuxuna tilmaamay in amaanada ay u qaadaan bulshada Soomaaliyeed siday tahay uga so baxaan, guddiguna uu ka shaqeeyo masiirku umadda Soomaaliyeed.

Xaliimo Xali Biyood oo kamid ah Haweenka Garowe ayaa dhankeeda guddiga u jeedisay inay ka dhabeeyaan in Haweenku helaan qontada la siiyey oo ah 30% boqolkiiba , haweenkuna dhankooda ay booskaad gaynayaan qof kasoo bixi karta.

Shirkaan ayaa qayb ka ah shirarka looga arinsanyo soo xulista xildhibaanad Baarlamaanka Soomaaliya ee soo dooranaya Madaxda hogaamin doonta dalka 4-sano ee soo socota.

Hoos ka daawo sawiro.

DSCN3914 DSCN3916 DSCN3917 DSCN3918 DSCN3919 DSCN3920 DSCN3922 DSCN3924 DSCN3925 DSCN3926 DSCN3927 DSCN3928 DSCN3929 DSCN3930 DSCN3933 DSCN3934 DSCN3935 DSCN3936 DSCN3937 DSCN3940 DSCN3942 DSCN3943 DSCN3945 DSCN3949 DSCN3950 DSCN3953 DSCN3966DSCN3963 DSCN3968 DSCN3969 DSCN3971 DSCN3973 DSCN3974 DSCN3976 DSCN3977 DSCN3982Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST