Wasaaradda caafimaadka Puntland oo kaashanaysa hay’addaheeda kala shaqeeya arrimaha caafimaaadka ayaa maanta xustay todobaadka Naas nuujinta, taasoo sanad walba ku aystaysan 28 bisha August.
Todobaadkaan oo si wadajir ah caalamka looga xuso ayaa loogu talo galay in kor loo qaado wacyi gelinta iyo dardargelinta muhiimada ay leedahay Naas nuujinta, si hooyooyinka loogu dhiiri geliyo inay ilmahooda naas u daayaan labo sano.
Dr. Cabdiraxmaan Yuusuf Muuse oo ka socday hay’adda Unicef ayaa munaasabada ka sheegay caqabadaha hortaagan Naas nuujintu inay tahay, waxbixinada qaldan ee laga gudbiyo naas nuujinta, gaar ahaan dhiiri gelinta Caano booraha, sidoo kale xirfadlayaasha Naas nuujinta oo aad u yar iyo hooyooyinka shaqeeya oo aan fursad uhelin inay ilmahooda naaska siiyaan.
Wuxuu sheegay sheegay in caqabadahaan looga hortagi karo inay dowladdu xoojiso siyaasada Naas nuuujinta islamarkaana la joogteeyo shaqaalaha caafimaadka ee u heelan wacyi gelinta Naas nuujinta.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay baaritaan la sameeyay inuu cadeynayo, in sanad kasta ay u dhintaan cudurka Kansarka Naasaha ku dhaca in ka badan 200.000 dumar ah, oo ah kuwa aan ilmahooda uga faa’idayn caanaha naaskooda ku jira.
Agaasimuhu wuxuu sheegay inay wasaaradda caafimaadku wado wacyi gelino lagu baraarujinayo hooyooyinka inay xoojiyaan Naas nuujinta ilmahooda, balse wuxuu caqabad weyn ku tilmaamay in saxaafada qeybaheeda kala duwan ay si joogto ah xayaysiis ugu sameeyaan caanaha suuqa lagu iibiyo, taasoo dhibaato ku ah wacyi gelinta wasaaradda iyo inay hooyooyinku aaminaan caanaha suuqa lagu iibiyo.
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cuuke ayaa sheegtay sababta loo xoojinayo wacyi gelinta Naas nuujintu inay tahay, iyadoo dagaal lagula jiro ilbaxnimo ku dhisan jahli oo ku saabsan inay dumarku. Wasiirka caafimaadku wuxuu sheegay inay barlamaanka horgeeyeen sharci xakamaynaya xirfadlayaasha caafimaadka.


Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST