Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa uga hadlay shir jaraa,iid oo uu maanta ku qabtay Isbitaalka guud ee magaalada Garowe qaliimada Wasaaradiisu ku samaynayso 150 haween ah oo laga daaweynayo xanuunka Isku furanka, kuwaas oo kala yimid gobolladda Puntland iyo Kuwa dariska la ah sida gobolladda dhexe.
Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa faahfaahin ka bixiyay marxaladihii uu soo maray barnaamijkan oo si lacag la,aan ah looga faa,iideynayo dumarka uu haleelay xanuunka Isku furanka ,Wuxuuna ugu baaqay inay ka faa,iideystaan howshan Wasaaradda Caafimaadku ka wado Isbitaalka guud ee magaalada Garowe.
Sidoo kale wasiirka ayaa uga hadlay shirka jaraa,iid qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo uu sheegey waxyeelo ka soo gaartay Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo wuxuuna ugu baaqay shacabka Puntland inay ka qayb qaataan dib u dactirka Isbitaalka.
Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa sheegey in dhaawac badan ay soo gaareen qaybaha kala duwan ee isbitaalka Gaalkacyo , Isagoona sheegey in loo baahan yahay in shacab iyo dowladuba u istaagaan sidii tabarucaadka loogu samayn lahaa.
Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa si la mid ah ugu bishaareeyay ummadda gaar ahaan reer Garowe inay gacanta ku hayaan mashruuc balaaran oo lagu dhamaystirayo sanadka soo socda 2017 dhamaan baahida in muddo ah ka jirtay isbitaalka guud ee magaalada Garowe.
Dr Cabdinaasir Cuuke oo saxaafaddu wax ka waydiisay sida Wasaaradiisu u aragto qorshe ay sheegeen gabdho kasoo jeeda Gobolka Nugaal inay ku dhisayaan Isbitaal cusub oo hooyadda iyo dhalaanka ayaa sheegey inay gees mareen gabdhuhu taladii uu siiyay Islamarkaana ay ku yaalaan goobta ay sheegeen inay isbitaalkaas ka dhisayaan saddex xarumood oo loogu tala-galay hooyadda iyo dhalaanka.
Wasiirka oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa booqasho ugu tagay dhamaan bukaanada yaala Isbitaalka guud ee magaalada Garowe , gaar ahaan haween qaliimo lagu samayeeyey oo laga daweynayo xanuunka isku furanka dumarka .
Dhagayso Shirka Jaraa,iid Wasiirka Caafimaadka Puntland

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST