Agaasimaha guud ee la dagaallanka Burcad-badeedda Puntland Cabdirasaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) ayaa sheegey inuu fashil kusoo dhamaaday shir uu uga qayb galay magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya 15-17 August 2016 Islamarkaana ahaa shirkii saddexaad oo looga hadlayo mashruuc loogu magac daray “Amniga Badaha Somalia” oo midowga yurub uu maal-galiyo,
Waxa uu sheegey Mr Ducaysane in lagu casumay ka qayb galka kulankan Dowlada Federalka Somalia, Galmudug, Puntland , Jubaland iyo Somaliland balse ay soo xaadireen Puntland, Galmudug iyo Jubaland oo kaliya, waxaana goob joog u ahaa Hay,addaha UNSOM,FAO,EUCAP NESTOR, UNODC, IMO iyo OBP.
Cabdirasaaq Maxamed Dirir ayaa sheegey inay ku salaysnayd ujeedada shirkan in dawladda dhexe , Dawlad goboleedyada iyo Somaliland soo gudbiyaan “Baahidooda ku aaddan amniga badaha iyo mudnaanshaha baahida iyo siday u kala horreeyaan.
Waxa uu sheegey maalintii qorshuhu ahaa inuu soo xirmo shirku oo ku beegnayd August 17, 2016, Islamarkaana lagu guda jiro qoraalkii Communique-ga, inuu si sharci daro ah albaabada isugu laabay shirka Safiirka Somalida ee dalka Kenya Jamal oo ay la socdeen rag kale oo uu ka mid yahay”Abdirahman Sheikh Esse, oo horey u ahaa la taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Hassan Sheikh, Islamarkaana dhawaan loo magacaabay Safiirka Somalia u fadhiyi doona Dalka Talyaniga

Agaasime Ducaysane oo sharaxaya wixii dhacay ayaa yiri” wuxuu safiirku noo sheegay aanu jirin doonin shir danbe oo la qabanayo ilaa inta laga gaarayo bisha November 2016, Isaga oo intaas ku daray inuu amarkaas ka haysto Madaxweyne Hassan Sheikh iyo RW Omar Abdirashiid, deedna qolkii shirka baanu wada gallay, sidii si la mid ah buu mar kale noo sheegay, sidaas ayuuna ku fashilmay shirku, kuna xirmay iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin “
“Horumar la’aanta dawlad goboleedyada, waxaa ragaadiyey, saamayn wayna ku yeeshay, is-qab-qabsiga Madaxda dalka ugu sarraysa, sida: Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo RW/Xigeenka oo ku salaysan “khilaaf Siyaasadeed”, sidaa waxaa yiri – Mudane Abdirizak M. Dirir (Ducaysane), oo ah “Aasaasihii Mashruuca la Dagaallanka Burcad-badeedda Somalia (Founder, Counter Piracy Programme for Somalia), ahna Agaasimaha Guud ee la dagaallanka Burcad-badeedda Puntland Somalia.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST