Mudane ka tirsan Baarlamanka Puntland oo la hadlay Puntland Post ayaa sheegey inay u badnaayeen Kooxda uu hogaamiyo Dr Cali Khaliif Galeyr qurba-joog hadafkoodu yahay sidii ay cagta ula heli lahaayeen meel ay kala jaanqaadaan siyaasada Somalia, Islamarkaana aysan jirin cid ay ka qarsoon tahay dhinaca ay u janjeerto siyaasadoodu tan iyo markii la aas aasay Khaatumo.
Xildhibaan Cali Dhaga-cade oo ka mid ah xubnaha Baarlamanka ee kazoo jeeda Gobolka Sool waxa uu sheegey inaysan saameyn ku yeelan doonin Puntland wada hadalka Somaliland kula jirto Kooxda uu hogaamiyo Dr Cali Khaliif Galeyr.
Waxa uu soo dhaweeyey Xildhibaanku hadal ay dhawaan ku sheegeen saraakiil ku sugan Gobolka Cayn in uu Cali Khaliif magaalada Buuhoodle uga baxo muddo 24 saac gudahood ah.
Dhagayso Wareysi Xildhibaan Cali-dhagacade.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST