Puntland iyo Hay,adda Care oo ka wada hadlay Fidinta Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wafti uu hogaaminayo Madaxa ugu sareeya  Hay,adda Care Somalia Raheel Nasir Chaudhary , Waxayna ka wada hadleen sidii Care International ay ugu soo noqon lahayd howlihii ay ka qaban jirtay arrimaha caafimaadka Puntland oo goor sii horeysay ay ugu danbeysay hay,adda Care.

Dr Cabdinaasir Cuuke waxa uu sheegey inay ka wada hadleen Madaxa Hay,adda Care International sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen wasaaradda qorshe ku saabsan fidinta caafimaadka oo ay soo wado hay,adda Care .

Kulanka ayuu sheegey Wasiirku inuu ahaa midkii ugu horeeyey islamarkaana ay ka mid ahaayeen waxyaabaha diirada lagu saarey iswaafajinta labo qorshe oo ku saabsan baahinta caafimaadka gaar ahaan sidii loo gaarsiin lahaa dadka ku nool tuulooyinka ka fog magaalooyinka

Dhagayso Wasiirka Caafimaadka Puntland.

1 2 3 4 5Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST