Wasaarada Waxbarashada oo go,aan kasoo saartey iskuulka tuulada Qarxis ee Gobalka Nugaal

Garowe (Puntland post):- War kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta-sare ee Puntland ayaa lagu sheegey in Wasaaraddu kala noqotey Aqoonsigii  xarunnimada Imtixanka tuulada Qarxis ee hoos-tagta Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal , Si la mid ahna Wasaaraddu baabi,isay natiijadii imtixaanka dugsiga hoose/dhexe ee tuulada Qarxis.

Go,aankan oo noqonaya mid saameynaya sumcadda tuulada, wuxuu ka danbeeyey ka dib markii dhawaan lagu jabsaday Qarxis imtixaankii fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2016, Iyadoona sababtey dhacdadaasi in wasaaraddu dib u bedesho guud ahaan imtixaankii fasalka 8aad ee Dugsiyada dhexe Puntland.

Sidoo kale warka qoraalka ee kasoo baxay wasaaradda waxbarashada ayaa lagu sheegey in wasaaraddu baabi,isay natiijadii imtixaanka 6 arday oo wax ka dhigata dugsiga hoose/dhexe Tayo ee degmada Badhan, Kuwaas oo ay sheegeen madaxda wasaaraddu inay ku caddaatay 2 sano dugsiyeed oo ay ka boodeen .

Akhriso Go,aanka Wasaaradda ee Tuulada Qarxis.

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2016/08/Goaamo-2.pdf

PUNTLAND POST