Wasaarada waxbarashada Puntland oo shaacisay Natiijada Imtixaanka fasalka 8aad

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa maanta shaacisey natiijada Imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ka dib shir jaraa,iid oo uu maanta ku qabtey magaalada Garowe Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta-sare Puntland Dr Abshir Yuusuf Ciise.

Dr Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegey in sixida Imtixaanku bilaabmatey bishii July ayna dhamaatay 06 bishii Augst ee sanadkaan, waxayna dhan yihiin guud ahaan ardeyda sanad dugsiyeedkan u fariistey imtixaanka fasalka 8aad 7,821 (Todobo kun , Sideed boqol iyo Kow iyo Labaatan )Ardey , Waxaana ka qeyb qaatey sixida Imtixaankooda 120 macalin.

Akhriso natiijada Imtixaanka fasalka 8aad ee Puntland

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2016/08/Goaamo-1.pdf

PUNTLAND POST