Xulka Kubbada Cagta oo lagu soo dhaweeyay Qardho

Waxaa maanta magaalada Qardho Gobolka Karkaar si weyn loogu soo dhoweeyay Cayaaryahannada Xulka Kubada Cagta Puntland, Ka dib safar ay ugu baxeen magaalooyinka Bosaso, Qardho iyo Baran.

Maamulka Gobolka Karkaar, Kan Degmada Qardho, iyo Qaar ka mid ah shacabka ayaa duleedka magaalada kusoo dhaweeyey dhalinyarada xulka ciyaartooyda Puntland.

Socdaalka Xulka Kubbada Cagta Puntland ayaa ka danbeeyey ka dib markii uu dhawaan shaaciyey Madaxweyne Cabdiweli Gaas inay dhalinyaradu geyn doonaan guushii ay Muqdisho kala soo laabteen Gobolada Puntland.

DSC_01351 DSC_01271 DSC_01041 DSC_00991 DSC_00971 DSC_00831 DSC_00791 DSC_00701 DSC_00671 DSC_0337 DSC_0330 DSC_0295Abshir Dhiirane

Xafiiska Wararka Garowe

PUNTLANDPOST.COM