Ciidanka nabad sugida Dowlada Federaal Soomaaliyeed ee (NISA ) qeebtooda Gobalka Banaadir ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiye waxyaabaha qarxa.
Afyaheenka maamulka Gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen gaarigan iyo ruuxi waday islamarkaana Ciidanku hada Gacanta ku hayaan
Xalane ayaa istaas waxa uu raaciye in gaarigaan lala Damacsanaa in lagu Weraro Hotel Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho islamrkaana Ciidanku ay hayeeen xogta gaarigan in gacanta lagu dhigo ay sahayshay Xogtaas
Laamaha amniga Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Maalmihi ugu danbeeye dadaalo dheer ugu Jira sidi ay u xaqiijin lahaayeen amniga magaalada Muqdisho.
Siciid Xasan
PUNTLAND POST
Muqdisho-So