GAROWE-(Puntland Post) Masuuliyiinta ugu saraysa Machadka horumarinta iyo cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIRDA ayaa maanta oo Tallaado ah magalada Garowe gaar ahaan xarunta machadka kusoo dhaweeyay xubno ka mid ah guddiga KMG doorashooyinka Puntland.
Kulankan oo saacado socdey ayay madaxda SIRDA, xubnahan ay la kuleen usoo bandhigeen cilmi baaris ay dhowaan ka sameeyeen dimoqraadiyadda iyo nidaamka Axsaabta badan ee Puntland.
Guuleed Saalax Barre oo ah masuulka ugu saraysa ee xaruntan ayaa sheegay marka hore inuu ku faraxsan yahay markii ugu horaysay xubno guddiga TPEC ka socda la kulmaan sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay inay wax badan kala socdaan cilmi baarista ay soo bandhigeen, hadal kooban oo uu Barre soo dhigay boggiisa ayuu ku sheegay sida tana.
”Waxaan maanta xarunta SIDRA kulan ku wada yeelanay qayb ka mid ah xubnaha guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee dhowaan la magacabay, waxaanu usoo bandhigneyt wixii kasoo baxay diraasad aan ka samaynay gobalada Puntland kuna saabsanayd dib u bilaabida hannaanka xisbiyada badan oo aan faafinay Bishii Jannaayo 2016. in la helo hoggaan shacabku toos usoo doorto waxay keenaysa in isla xisaabtanku fududaado, si taas loo gaaro waxay u baahan tahay shaqo iyo dadaal badan, guul ayaan u rajaynayaa guddiga”.
Xubno u hadlay guddigan ayaa soo dhaweeyay cilmi baarista SIDRA ka samaysay hanaanka doorashada iyo nidaamka xisbiyada badan ee Puntland waxa kale ay sheegeen inay wada shaqayn dhow la yeelan doonaan machadka kolkii ay shaqadu si toos ah u bilaabato.
Guddiga doorashadooyinka oo ah KMG ahaa dhowaan lasoo dhamaystiray, waxaana lagu wadaa gollaha Baarlamaanka inuu u fariisto ansixintiisa.








PUNTLAND POST