Shir looga hadlayo Ganacsiga Soomaaliya oo maanta Istanbul ka furmaya

Istanbul-(Puntland Post)- Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka fumaya shir looga hadlay maalgashiga iyo ganacsiga Soomaaliya,waxaa ka qayb gali doonta ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo u dhashay dalka Turkiga.

Wasiirka Ganacsiga dowladda fadaraalka  oo ka qayb galaya shirka ayaa rajo ka muujiyey,waxaa uuna sheegay inuu yahay mid ahmiyad weyn u leh ganacsiga Soomaalida.

Shirka ayaa la sheegay in looga hadli doono ganacsiga Soomaalida iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Turkigu u maalgashan lahaayeen.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee shirka ka qayb galaysa ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay kasoo baxaan qodobo wax ku oola oo lagu hormarinayo ganacsiga dalka.

PUNTLAND POST