Diyaaradda Daalo oo ka badbaadday deb ka kacay gudaheeda

Muqdisho-(Puntland Post)-Inta la xaqiijiyay laba qof oo ka tirsanaa rakaabka diyaaradda Daallo Airlines ayaa ku dhaawacantay,markii uu deb ka kacay mid ka mida matoorradeeda,xilli ay ku guda jirtay duullimaadyadeedii caadiga ahaa.

Diyaaradda ayaa saakay ka ambabaxday garoonka Muqdisho iyadoo kusii jeedday magaalada jabbuuti,waxana debka ka kacay gudaheeda la dareemay soddon daqiiqadood ka dib markii ay hawada gashay,kaasoo sababay iney dalooshanto qaybta dhexe ee Diyaaradda.

Laamaha deb demiska ayaa ku guuleystay inay baqtiiyaan olol ka baxayay mid ka mida matoorrada diyaaradda Daallo xilli ay si deg-deg ah u soo caga dhigatay garoonka,waxanay  dadka rakaabka sheegeen iney maqleen wax qarax u eg oo si xawli ah ku dalooliyay diyaaradda.

Lama hayo wax faah-faahina oo la xiriirta waxa uu ahaa shilka qabsaday diyaaradda Daallo Airlines,waxaana iminka soconaya baaritaanno lagu ogaanaya waxa sababay.