Puntland ayaa shaacisay in ay asaastay shirkad kalluumeysi oo ay wada leeyihiin dowladda iyo maalgashadayaal shisheeye oo aan la magacaabin, taas oo loo xilsaari doono arrimaha kalluumeysiga.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada Puntland waxay go’aamiyeen in la asaaso Shirkadda Kalluumaysiga Puntland oo ay maalgashanayaan dowladda, muwaadiniinta iyo maalgashadayaal caalami ah, kuwaas oo iska kaashanaya horumarinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka kalluumeysiga Puntland”.
Puntland waxay dhawaan diiday in uu deegaannadeeda ka shaqeeyo heshiis ay sanadkii 2025 wada galeen dowladda Federaalka iyo shirkadda OYAK ee dalka Turkiga, kaas oo sheegayay in shirkadda SOMTURK ka shaqayso arrimaha kalluumeysiga badda Soomaaliya iyo la-dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah.
Shatiyada Kalluumeysiga Puntland
Puntland waa maamul bixinayay shatiyada kalluumaysiga laga soo billaabo 1998kii. Xogta maamulladii kala dambeeyay ay ka qariyaan hanti-dhowrka waxaa ka mid ah tirada shirkadaha shisheeye oo haysta shatiyada ay kaga kalluumeystaan badda Puntland iyo meesha ay ku dhacdo lacagaha shirkaduhu bixiyaan. Waxaa jirta is afgarasho hoose oo u dhexeysa maamulladii kala dambeeyay ee Puntland si xogta shatiyada kalluumeysiga aan dadweynaha loogu soo bandhigin.
Si ay u hesho xog ku saabsan heshiisyada kalluumaysiga ayay Puntland Post dhowr sano ka hor la xiriirtay dowladda Puntland, hase ahaatee saraakiisha Wasaaradda Kalluumaysigu way diideen inay ka jawaabaan su’aalo ku saabsan xaddiga iyo sida loo isticmaalo lacagta ka soo xeroota shatiyada kalluumeysiga.
Way adag tahay in la qiyaaso lacagta ka soo xeroota shatiyada kalluumeysiga. Tuhun weyn baa jira ah in xitaa shaqsiyaad ay si sharci-darro ah shatiyo kalluumeysi ku siiyeen shirkado jilaabta kalluunka tuunaha oo ku badan Badweynta Hindiya.
Lacagaha ka soo xerooda shatiyada kalluumaysiga waxaa wax loogu qaban karay dadka ku tabaaloobay abaaraha. Puntland waxay leedahay dabaqad siyaasadeed oo ku bullaashay saboolnimada dadka u baahan adeegyo bulsho sida cisbitaallo, dugsiyo, waddooyin iyo qorsheyaal abaar u diyaargarow.
PUNTLAND POST
