Lacagta shatiyada kalluumeysiga ay Puntland bixiso oo aan hanti-dhowr marin

Garoowe (Wararka PP) — Puntland waa maamul bixinayay shatiyada kalluumaysiga laga soo billaabo 1998kii. Xogta maamulladii kala dambeeyay ay ka qariyaan hanti-dhowrka waxaa ka mid ah tirada shirkadaha shisheeye oo haysta shatiyada ay kaga kalluumeystaan badda Puntland iyo meesha ay ku dhacdo lacagaha shirkaduhu bixiyaan.

Waxaa jirta is afgarasho hoose u dhexeysa maamulladii kala dambeeyay ee Puntland si xogta shatiyada kalluumeysiga aan dadweynaha loogu soo bandhigin, inkastoo kheyraadka badda Soomaaliya ku jira yahay mid Soomaalidu wadaagto.

Dowladda Puntland may laha hab ay kula socoto maraakiibta ka kalluumeysata badda gobollada Puntland, maraakiibtaas oo qaarkood halis galiya nolosha kalluumaysatada Soomaaliyeed marna habkoodu kalluumaysigu keeno xaalufin nooca shabaqyada ay isticmaalaan awgiis.

Nooca shabaqyada ay maraakiibta ka kalluumaysata badda Puntland isticmaalaan waxay xaalufiyaan kheyraadka badda.

Si ay u hesho xog ku saabsan heshiisyada kalluumaysiga ayay Puntland Post la xiriirtay dowladda Puntland, hase ahaatee saraakiisha Wasaaradda Kalluumaysigu way diideen inay ka jawaabaan su’aalo ku saabsan xaddiga iyo sida loo isticmaalo lacagta ka soo xeroota shatiyada kalluumeysiga.

Hab beeleedka Puntland ku dhisan tahay ayaan suurtogalinayn in danta guud si hufnaan leh looga hadlo. Hadba maamulka jira ayaa go’aammada siyaasadeed iyo dhaqaale u gaara si aan daahfurnaan lahayn.

“Maannu ogin heshiisyada maamulladii kala dambeeyay ee Cadde Muuse, Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas iyo maamulka Siciid Cabdullaahi Deni la galeen shirkado badda Puntland ka kalluumaysta” ayuu yiri Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland.

Way adag tahay in la qiyaaso lacagta ka soo xeroota shatiyada kalluumeysiga. Tuhun weyn baa jira ah in xitaa shaqsiyaad ay si sharci-darro ah shatiyo kalluumeysi ku siiyeen shirkado jilaabta kalluunka tuunaha oo ku badan Badweynta Hindiya.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaa la gudboon inuu si daahfurnaan leh u soo bandhigo xogta ku saabsan shatiyada kalluumeysiga ay Puntland shirkado shisheeye siisay tan iyo 1998kii.

“Lacagta shirkaduhu bixiyaan waxay ku soo dhacdaa xisaab bangiyeedyo siyaasiyiin ku leeyihiin dibedda. Sidaas darteed waa suurtogal in dowladda Puntland aysan ka wada warhaynin shatiyada kalluumeysi oo ay siyaasiyiintu ku bixiyeen magaca Puntland. Marka maraakiibta ciidammada Midowga Yurub ay qabtaan markab badda Soomaaliya ka kalluumaysanaya waxay shirkadda markabka leh la soo baxdaa shatiyo sugnaantooda aan la hubin karin” ayuu yiri sarkaal ka tirsaanaa Wasaaradda Maaliyadda ee maamulkii Cabdiweli Gaas.

Rajo ayaa jirtay ah in ururrada siyaasadeed ee Puntland iftiimin doonaan shatiyada kalluumeysiga ay dowladda Puntland bixinaysay tan iyo 1998kii iyo sida degmooyinka xeebaha ku yaalla uga qatan yihiin lacagaha ay shirkadaha kalluumeysiga ee shisheeyuhu bixiyaan.

“Puntland ma laha hantidhowr hufan. Haddii lacagta shirkadaha kalluumeysigu bixiyaan si daahfurnaan leh loo maamuli lahaa shaqo-la’aantu way yaraan lahayd, adeegyada bulshadu (hay’adaha caafimaadka iyo waxbarashada) waxay heli lahaayeen maalgelin sare u qaadda awoodahooda waxqabad.

“Halkudhigga sanadguurada 24aad ee Puntland wuxuu ku habboonaan lahaa inuu noqdo ‘daahfurnaan la’aanta Puntland oo faro-ba’an ku haysa saboolka hantidooda siyaasiyiintu lunsadaan” ayuu yiri nin ka qeybgalay xafladdii lagu dhaariyay Madaxweynihii kowaad ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed 24 sano ka hor.

© Puntland Post, 2022