PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Puntland: Wasiir Qarjab oo sharci darro ku tilaamay warqad ka soo baxday guddoomiyaha gobolka Mudug

Share

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sharci darro ku tilmaamay warqad uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Mudug, taas oo lagu sheegay in aan wax lacag ah laga saari karin koontada dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo, sidoo kale lagu hakiyay mashruuc laga hirgelin lahaa degmadaas.

Wasiir Qarjab ayaa ogaysiiyay hay’adaha dowladda in warqada guddoomiyaha gobolka Mudug tahay mid baalmarsan dastuurka Puntland, xeerka maamulka gobollada, xeerka degmooyinka ee LR. 7 iyo siyaasadda maamul baahinta ee dowladda.

Sidoo kale wasiir Qarjab wuxuu sheegay in waqada uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Mudug aysan istaajin karin mashaariicda iyo shaqooyinka dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiweli Jibriil Bayle ayaa sidaan oo kale bishii Oktoobar ee sanadkan joojiyay shirkad gaar loo leeyahay oo dowladda hoose u xilsaartay ururinta dakhliga canshuuraha degmada, taas oo markii dambe ay wasaaradda arrimaha gudaha u fasaxday shaqada.

PUNTLAND POST