Taliye ku-xigeenkii ciidanka madaxtooyada Puntland G/Sare Maxamed Cali Axmed (Marduuf) ayaa ku geeriyooday shil gaari oo maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Sheerbi oo hoostaga degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.
Taliyaha waxaa la rogmaday gaari yar oo kuwa raaxada ah, waxaana sidoo kale la sheegay in ay shilkaas ku dhaawacmeen labo askari. Marxuumka ayaa hore u soo noqday taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal, ka hor intaan bishii Abriil ee sanadkan loo magacaabin taliye ku-xigeenka ciidanka madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka tacsiyeeyay geerida taliye Maxamed Cali Marduuf ayaa yiri “Allaah ha u naxariisto taliye ku-xigeenkii madaxtooyqda dowladda Puntland G/Sarre Maxamed Cali Axmed (Marduuf) oo ku geeriyooday shil gaari, wuxuu ahaa sarkaal u soo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, si wanaagsana u gudanayey masuuliyada amni ee uu hayey”.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan ciidanka dowladda Puntland gaar ahaan ciidanka madaxtooyada, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday marxuumka” ayuu raaciyay.
Sidoo kale shil gaari ayaa maanta ka dhacay deegaanka Solwayn ee gobolka Karkaar, kaas oo sababay dhaawaca saddex qof oo qaba dhaawacyo fudud, sida ay xaqiijiyeen ciidanka nabadgelyada waddooyinka gobolka Karkaar.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay shilalka gaadiidka ee ka dhaca deegaannada Puntland, kuwaas oo badankood loo aaneeyo khibrad yarida wadayaasha gaadiidka.
PUNTLAND POST
