Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, kaddib safar uu dibada ugu maqnaa oo qaatay ku dhawaad 20 berri.
Madaxweyne Cirro ayaa muddadaas ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, sida lagu sheegay hadal qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.
“Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar uu ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), kaasi oo ku soo dhammaaday guul” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Safarka madaxweynaha ayaa qayb ka ah dadaallada istiraatiijiga ah ee ay xukuumadda Somaliland ku horumarinayso xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Somaliland iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, kaasi oo ku qotoma dano wadaag, is-aaminaad, ixtiraam iyo aragti fog” ayaa la raaciyay.
Safarka Cirro ee Somaliland ayaa ku soo aaday, xilli uu xumaaday xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii dowladda federaalka eriday safiirkeedii dalkaas, keediina u yeeratay.
PUNTLAND POST
