Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa ansixiyey hindise-sharciyeedka wax ka beddelka xeerka ururrada & xisbiyada siyaasadda iyo wax ka beddelka xeerka doorashooyinka qaranka ee soo baxay 28 Nofeembar 2024.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse waxaa wax-ka beddelkan lagu saleeyay dhaqangelinta dastuurka cusub, maadaamaa xeerarkan ay meel-mareen ka hor ansixintii dastuurka, tahayna in xeerarka la waafajiyo dastuurka. Waxaa la xusay in wax-ka-beddelka lagu sameeyay 23 qodob oo ka mid ah xeerka doorashada iyo 8 qodob oo ka mid ah xeerka ururrada iyo xisbiyada.
Qodobada wax laga badeley si dastuurka loo waafajiyo waxaa ka mid ah in shacabka soo doortaan goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda dowlad-goboleedyada iyo xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka, halka laga bilaabo guddoomiye segmo illaa madaxweynaha jamhuuriyadda ay dooran doonaan goleyaashaasi.
Qodobadda wax laga badeley ee xeerka ururrada iyo xisbiyada waxaa ka mid ah in urur-siyaasadeedkii doorashada heer federaal ka hela codad dhan 10% uu si rasmi ah u noqonayo xisbi qaran. Sidoo kale golaha wasiirrada ayaa isku raacay in ururrada ay musharixiinta xildhibaannada ku gudbiyaan habka loo yaqaan diiwaanka xiran (liiska xiran).
Golaha wasiirrada ayaa isku raacay in guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha uu awood u leeyahay in uu la yimaado farsamo la xiriirta fududeynta diiwaangelinta iyo codeynta muwaadiniinta, iyada oo la cuskanayo qodobka dastuurka ku jira ee faraya in muwaadiniinta loo fududeeyo hannaanka cod-bixinta.
PUNTLAND POST
