PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Farmaajo oo sheegay in Museveni uu Muqdisho u imanayo dhexdhexaadin

Share

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyey booqoshada uu madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni dhawaan ku imanayo magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa tilmaamay in booqahsada Muqdisho ee Museveni ay ku saleysan tahay in la helo wadahadallo dhab ah oo loo dhan yahay, kuna qotoma dastuurka iyo go’aanka Maxkamadda Sare ee ka dhanka ah muddo kororsiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan soo dhaweynayaa in nadaxweyne Museveni uu aqbalay in uu casuumaad ku yimaado Muqdisho.Dalkeenna waxaa ka jira baahi loo qabo wada-hadal loo dhan yahay oo dhab ah, kaas ugu salaysan Dastuurka iyo go’aanka Maxkamadda Sare ee ka dhanka ah muddo-kordhinta aan dastuuriga ahayn ee xilliga xil-haynta madaxweynaha, ayuu Farmaajo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (hore loo oran jiray Twitter).

Mucaaradka ayaa hore u dalbaday dhexdhexaadin caalami ah, si iyaga iyo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u gaaraan heshiis doorasho oo la wada ogolyahay.

PUNTLAND POST