PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Maxay ka wada hadleen Museveni iyo Xasan Sheekh?

Share

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar saacado qaatay ku tagay dalka Uganda ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalkaas Yoweri Kaguta Museveni.

Wararka ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Uganda ayaa la sheegay in uu u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu talada dhulka dhigo, islamarkaana aqbalo guddi shaqo oo qabta doorasho la wada ogolyahay.

Kulankan wuxuu yimid, xilli uu qabsoomi wayday gogol wada hadal oo madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan u dhigay Golaha Mustaqbalka, Nabad & Nolol iyo Golaha Midnimo Qaran.

Dowladda Uganda ayaa muddo dheer waxaa Soomaaliya ka joogay ciidamo nabad ilaalin ah kuwaas oo ay dhawaan sheegtay in ay la baxayso, inkastoo dowladda Maraykanka ay tilmaantay in ay hal sano oo taageero dhaqaale ah sii nayso ciidamada Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

PUNTLAND POST