Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankiii ay maanta xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ku diideen wax ka beddelka Dastuurka.
Cawad ayaa go’aanka xildhibaannada Puntland ku tilmaamay mid la mid ah go’aankii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ku caddaysay in uu dhammaaday waqtigii xukuummadda federaalka Soomaaliya. Wuxuu labada go’aan ku tilmaamay ifafaale rajo leh oo muujinaya hay’adaha dowladnimo oo soo qaangaaraya.

Danjire Cawad wuxuu sheegay in Puntland oo safka hore uga jirta dowlad dhiska Soomaaliya ay horseedi karto xoojinta iyo ku dhaqanka hay’ado dowladeed oo kala madax bannaan, islamarkaana meesha ka saara kalitalisnimo iyo in dalka lagu maamulo rabitaanka nin kaligiis.
Axmed Ciise Cawad wuxuu ka mid yahay Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland, kuwaas oo todobaadka ka hor ka digay in wax ka baddel lagu sameeyo Dastuurka.
PUNTLAND POST
