PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Baarlamaanka oo diiday wax ka baddelka dastuurka Puntland

Share

Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa maanta diiday wax ka baddel lagu sameeyo qadobo ka mid ah dastuurka, kuwaas oo ay dhawaan soo gudbisay xukuumadda madaxweyne Siciid Deni.

Qorshaha wax-ka-baddelka dastuurka Puntland oo ay riixayeen guddoonka baarlamaanka waxa uu waayay cod ku filin, kaddib markii ay oggolaadeen 40 mudane, iyada oo uu ku ansixi lahaa 44 cod.

Dastuurka Puntland ayaa la doonayay in wax laga baddelo sagaal qof oo intooda badan la xiriira arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo hore loo baddelay sanadkii 2023.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa hore uga digay in wax ka baddel lagu sameeyo dastuurka, iyada oo aan wadatashi buuxa lala yeelan qaybaha bulshada ee bulshada iyo saamileyda siyaasadda.

Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland ayaa todobaarka ka hor soo jeediyay in loo baahan yahay in dhamaan dadkii wada dhistay Puntland ay isugu yimaadaan wadatashi balaaran oo ku saabsan wax ka bedelka dastuurka, si looga baaqsado khilaaf iyo kala qaybsanaan bulsho oo horseedi karta fashil ku yimaada hanaanka siyaasadeed iyo midnimada bulsho ee Puntland.

PUNTLAND POST