Muqdisho (Ra’yi ) — Cabdinuur Maxamed Axmed wuxuu xil sare ka soo qabtay xafiiska Villa Somalia markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka hayay. Muddo xileedkaas casharrada laga bartay waxaa ka mid in dowlad Khaliij ah ay jiheyn karto siyaasadda arrimmaha dibedda e Soomaaliya. Dhibaatada Soomaaliya ka soo gaartay kaalinta Qadar ku lahayd/leedahay siyaasadda Soomaaliya waxaa ka mid ah in Imaaraadku ka shaqaynayay kala furfurista Soomaalya si loogu daneeyo Itoobiya. Waxaa xusud mudan in Itoobiya ay markii hore dhowrtay qarannimada Soomalida oo ka noqotay heshiiskii dowladdii EPRDF-TPLF ay kaalinta ku lahayd oo ay Itoobiya saami ugu yeelatay Dekedda Berbera ka hor intuusan Abiy Ahmed ka bixin heshiiskaas si la mid ah sidii uu uga baxay heshiiskii is afgarad uu la galay Muuse Biixi 1dii Janaayo 2024.
Cabdinuur intuu waday shaqada waraysiyada Geed Fadhi la yeesho siyaasiyiin Soomaaliyeed, wuxuu galay gefef saxaafadeed oo badan. Waxaa ka mid ah sida uu u waraystay dhowr bilood ka hor Cabdisalaan Hadliye, Wasiirkii Hore ee Arrimmaha Dibedda ee Soomaalia 2015-2017. Wuxuu Cabdinuur ku celceliyay su’aal af-u-gelin ah oo aan ahayd miyaa DP World lala saxiixday heshiis? Wuxuu isku dayay inuu ka soo qaado in heshiis qarsoodi ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh la saxiixday DP World. Hadliye wuxuu ku celceliyay jawaab ah “ma ogi”, markii Cabdinuur dhowr jeer weydiiyay in heshiiska la saxiixay. Cabdinuur wuu ogaan karay haddii uu jiro heshiis dhexmaray DP World iyo Soomaaliya sababtoo ah wuxuu aad uga warhayay galalka siyaasadda iyo sirta qaranka ee Villa Somalia.

Dhowr toddobaad ka hor Cabdinuur wuxuu waraystay siyaasi Soomaaliyeed.”Somaliland maanta aan hadlayno waxaa aqoonsan seddex dal, waxaana seddexda dal daba tagaan dal afraad, intaas ma isku waafaqsannahay?” ayuu Cabdinuur yiri. Siyaasiga ayaa ku jawaabay: “Seddexda dal waa seddexdee?” Cabdinuur wuxuu ku jawaabay : “Israa’iil oo caddaysatay, Itoobiya iyo Kenya oo ka aamusay.”
Haddii macnaha ‘aqoonsi’ uusan isbeddelin, waxaa muuqata in Cabdinuur uusan garanaynin waxa uu ka hadlayo haddii aan isaga loo arki qof been sheegaya. Siyaasiga ayaa la yaabay. Kenya iyo Itoobiya waxay mowqifkooda ku soo gudbiyeen Midowga Afrika. Uma baahna inay si gaar ah u difaacaan qarannimada Soomaalida, sida qaar ka mid ah xubnaha Jaamacadda Carabtu u difaacaan midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.
Geed Fadhi waxay caan ku tahay su’aalo af-isu-gelin ah (suggestive questions) oo meel-ka-dhac ku ah anshaxa saxaafadda. Cabdikariim Cali Kaar, oo ka mid ah kooxda Geed Fadhi wuxu isaguna yiri dhowr bilood ka hor “Muqdisho maalin bay ku burburi kartaa oo qadkii cagaarnaa ku soo noqon karaa?”
Cabdinuur waa inuu qaddariyo caqliga daawadayaasha iyo siyaasiyiinta u waraysto. Waana inuu raalligelin ka bixiyo sida uu ugu xadgudbay anshaxa saxaafadda.
W. Q. Daahir. W. Sheekh Maxamuud
