PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socda shirkad ka shaqaysa soo saarista shidaalka iyo gaaska

Share

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda shirkadda SONATRACH ee dalka Aljeeriya, taasi oo ka shaqeysa arrimaha soo saarista shidaalka iyo gaaska.

Bayaan ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray iskaashiga dowladda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda SONATRACH ee dhinacyada shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey wafdiga, isaga oo adkeeyey sida ay dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, si ay kaalin muuqata uga qaataan koboca dhaqaalaha iyo horumar dalka.

Lama sheegin in shirkadda SONATRACH ay ka mid yahay shirkadaha la siiyay xirmooyinka shidaalka iyo gaaska Soomaaliya iyo in ay hadda doonayso qorshahaas.

PUNTLAND POST