Golaha Mustaqbalka gaar ahaan Madasha Samatabixinta ayaa xalay kulan ay ku yeesheen Muqdisho uga hadlay fariin codsi ah oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u soo dhiibay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), taas oo daarnayd in gogol wada hadal oo u dhaxaysa madaxweynaha iyo mucaaradka uu Saacid gurigiisa dhigo.
Xubnaha Golaha Mustaqbalka ee ku sugnaa kulanka ayaa diiday in ay aqbalaan farriinta ka timid madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo dalbaday in uu arrintaas raalligelin ka bixiyo Ra’iisul Wasaare hore Saacid, balse Saacid ayaa isaguna aqbalin dalabkaas.
Arrintan ayaa muujinaysa khilaaf iyo kala aragti duwanaan ka dhex jirta Golaha Mustaqbalka, iyada oo Ra’iisul Wasaare hore Saacid iyo xubno kale lagu eedeeyo in ay aragtiyaha qaar la qabaan dowladda federaalka Soomaaliya.
Golaha Mustaqbalka ayaa hore shuruudo adag ugu xiray gogosha madaxweyne Xasan, kuwaas oo ay ka mid yihiin in Beesha Caalamka ay garwadeen ka noqoto shirka iyo in ay ka qaybgalaan Laftagareen & Ugaaska beesha Xawaadle.
Madaxweynahayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa iyagu qaba in aan talo la isugu tagi kairn Muqdisho oo la is aaminayn, islamarkaana gogosha madaxweyne Xasan Sheekh tahay mid waqti dhumis ah.
Safiirada Beesha Caalamka, gaar ahaan Ingiriiska iyo Tukiga ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo kala duwan la qaatay xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo dhinacyada cadaadis ku saaraya in ay ka heshiiyaan khilaafka siyaasadeed.
PUNTLAND POST
