Sucuudiga oo Soomaaliya ka taageeraya la dagaalanka argagixisada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Xarunta ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada Boqortooyada Sacuudiga, Sareeye Gaas Cabdullaahi bin Haadi Al-Haajiri iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo maalmahan ku sugnaa caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa la-wadaagay wafdiga Sacuudiga tallaabooyinka iyo qorshayaasha la dagaallanka argagixisada ee ay qaadday dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ayaa sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay dowladda Soomaaliya ka caawinayso dhanka khibradda iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin daawaynta fikradaha argagixisada, gaar ahaan dhanka farriimaha wacyigalinta, tababbarada howl-wadeennada iyo taageerada kale ee loo baahanyahay.

Dowladda Sacuudiga, gaar ahaan Xarunta ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada, ayaa la sheegay in ay iskaashi iyo wada-shaqayn la yeelan doonta Xarunta Qaran ee Tubsan ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taasi oo dowladda u qaabilsan la dagaalanka fikradaha xagjirka.

PUNTLAND POST