Maxay ka wada hadleen madaxweyne Deni iyo safiirka Ingiriiska?

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Charles King iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray magaalada Garoowe.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha Puntland, gaar ahaan howlgallada la dagaallanka argagixisada  Daacish iyo Al-shabaab ee ka socda buuraleyda Calmiskaad iyo Calmadow.

Kulankan wuxuu yimid, xilli Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay shuruudo adag ku xireen gogosha wada hadalka ee madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo dowladda Ingiriiska ay ka mid tahay saaxiibada Soomaaliya ee dhexdhexaadinaya labada dhinac.

PUNTLAND POST