
Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud oo maanta hortagay baarlamaanka ayaa wax laga wadiiyay mushaar la’aan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
Wasiirka ayaa qiray in muddo lix bilood ah aysan wax mushaar ah qaadan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, isaga oo taas sabab uga dhigay shaqo ay ka gaabisay wasaaradda uu hoggaamiyo.
Dhanka kale wasiir Maxamed Faarax waxaa wax laga weydiiyay Bajaaj raacid uu baraha bulshada ku faafiyay, wuxuuna taas uga jawaabay mid uu xor u yahay oo uusan jirin xeer ka mamnuucaya in uu raaco gaadiidka dadweynaha.
Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa maanta baarlamaanka horgeeyay warbixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2027 oo ay dhawaan soo ansixiyeen golaha xukuumadda.
Miisaaniyadda loo soo gudbiyay baarlamaanka ayaa dhan $308,213,973 (Saddex Boqol iyo Sideed Milyan, Labo boqol saddex iyo toban kun, Sagaal boqol todobaadan Saddex Doollar), waxayna hoos u dhacday $7,569,371 oo u dhiganta 2.4% marka la barbardhigo miisaaniyaddii hore ee 2026 oo dhamayd $315,783,344.
PUNTLAND POST