Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq u diray mucaaradka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Maxamuud ayaa ugu baaqay mucaaradka in ay soo fadhiistaan gogoshii uu dhigay, isaga oo sheegay in uu diyaar wada hadal u yahay.

Wuxuu u soo jeediyay in ay aragtidooda soo saaraan miiska wada hadalka, ayna ka fogaadaan wax walba oo uu wax u dhimaya amniga iyo midnimada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa rajo ka muujiyay in ay qabsoomi doonto gogosha uu dhigay, islamarkaana laga heshiin doono khilaafka doorashooyinka.

Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo beegmaya, xilli ay mucaarimadku sii adkeeyeen shuruudaha ay gogosha ku soo fadhiisan karaan, iyaga oo la sheegay in ay ku dareen qodobo ay ka mid yihiin in Beesha Caalamka garwadeen ka noqoto iyo in Laftagareen & reer Hiiraan shirka ka qaybgalaan.

PUNTLAND POST