Shiinaha oo Soomaaliya ka taageeraya hirgelinta jaamacad ciidan

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka, taas oo ay maalgelinayso dowladda Shiinaha.

Jaamacaddan oo loogu magacdaray Jaamacadda Difaaca Qaranka waxaa la sheegay in ay ka koobnaan doonto kulliyado kala duwan, xarumo cilmi-baaris, goobo tababar iyo deegaan.

Waxaa la tilmaamay in ay soo saari doonto aqoonyahanno Soomaaliyeed oo leh xirfad ay ugu adeegaan difaaca iyo ilaalinta qaranka.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu ayaa sheegay in ay dowladda Shiinaha kordhin doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, si loo horumarinayo iskaashiga labada dal.

PUNTLAND POST