Lewis Hamilton oo ka gilgashay ciribtirka ay Israa’iil ka waddo Gaza

Lewis Hamilton , oo booqday Gaza Isniintii, wuxuu ka dhiidhiyay ciribtirka ay Israa’iil ka waddo Falastiin. Xuquuqda Sawirka: AFP/Getty Images.

Gaza (Wararka PP) — Lewis Hamilton, oo ah wadaha baabuurta ku tartanka xawaaraha dheer, ayaa boqoday Gaza 10kii Noveemba 2026. Wuxuu hadal ku soo qoray boggiisa Instagram. “Waa wax aad iyo aad looga naxo   ciribtirka ay Israa’iil ka waddo Gaza seddexdii sano ugu dambeeyay. Waa caddaalad-darro in  dadka loo diido xorriyaddooda, badqabkooda iyo sharaftooda. Waa in aan qof loola dhaqmin sida in noloshiisu aysan macne lahayn” ayuu Hamilton qoray.

Hamilton wuxuu aad uga naxay siyaasadda macaluushaysiinta dadka Falastiin iyadoo ay Isr’aail cuskanayso “sababo waalli ah”. 

Hadalka uu Hamilton ku soo qoray boggiisa Instagram kaddib booqashadiisii Gaza.

Hadalka Hamiltion wuxuu muujinayaa inay jiraan dad weli damiirkooda aadaminimo uu nool yahay kana dhiidhin kara caddaadlad-darrada.

Hamilton wuxuu dhowr jeer hore u sheegay inuusan u nuglaanaynin cadaadis ganacsi marka uu u baahan yahay inuu runta ka hadlo.

Hamilton wuxuu Israa’iil ugu baaqay inay fuliso waajibaadka ka saaran xabbad-joojinta oggolaatana in baabuurta sida gargaarku soo galaan Gaza.

© Puntland Post, 2026