
Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland oo bayaan soo saaray ayaa ka digay in wax ka baddel lagu sameeyo dastuurka Puntland, iyada oo aan wadatashi buuxa lala yeelan qaybaha bulshada ee bulshada iyo saamileyda siyaasadda.
Golaha ayaa jeediyay in loo baahan yahay in dhamaan dadkii wada dhistay Puntland
ay isugu yimaadaan wadatashi balaaran oo ku saabsan wax ka bedelka dastuurka, si looga baaqsado khilaaf iyo kala qaybsanaan bulsho oo horseedi karta fashil ku yimaada hanaanka siyaasadeed iyo midnimada bulsho ee Puntland.
Goluhu wuxuu walaac ka muujiyay haddii gudoonka baarlamaanka Puntland ku dhiirado dedejinta wax kabedelka dastuurka in ay dhici karto mid la mid ah dhacdadii 2023kii ee sababtay dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed.
Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka waxay ugu baaqeen shacabka, xukuumada, garsoorka iyo baarlamaanka in bedqabka Puntland uu yahay mas’uuliyad wadareed saaran muwaadin kasta oo Puntlader ah, islamarkaana ay waajib ku tahay ilaalintiisa.


PUNTLAND POST