Puntland oo ciidamo gaysay deegaan ka tirsan Mudug oo xiisad ka jirtay

Puntland ayaa ciidamo gaystay deegaanka Roox ee gobolka Mudug, halkaas oo maalmo ka hor ay dhacday shaqaaqo sababtay dhimashada hal qof.

Wafdi isugu jira wasiiro, maamulka gobolka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo iyo saraakiil ciidan ayaa shalay deegaankaas geeyay ciidamada oo loogu talagalay xoojinta nabadgelyada, sugidda amniga iyo ka hortagga falal kale oo amni-darro ah.

Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaankaas, iyaga oo kala hadlay sidii loo dejin lahaa xaaladda, loo ilaalin lahaa nabadda, loogana hortagi lahaa wax kasta oo keeni kara dib-u-kac colaadeed.
‎
‎Kulamadaas kaddib, waxaa la soo saaray awaamiir amni oo si cad u mamnuucaya in qof hub sita lagu arko deegaanka, iyada oo digniin adag loo diray cid kasta oo jebisa amarkaasi.
‎
‎Maamulka gobolka Mudug ayaa bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, kana fogaadaan fal kasta oo wax u dhimaya nabadda iyo xasilloonida deegaanka.

PUNTLAND POST


‎
‎