Xasan Sheekh iyo Erdogan oo kulan ku yeeshay Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Antalya ee Turkiga ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Labada madaxweyne ayaa si gaar ah diiradda u saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ballaarinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia.

Turkiga ayaa heshiisyo badan la galay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas ka mid yihiin shidaal baaris, kalluumeysi iyo xarunta dayac-gacmeed.

Puntland, Jubaland iyo qaar ka mid ah ayaa si weyn uga soo horjeeda heshiisyada shidaalka iyo kalluumaysiga ee dowladda federaalka la gashay Turkiga, iyaga oo ku dooda in aan lagala tashan arrimahaas.

Sidoo kale Turkiga waxaa lagu eedeeyaa in diyaaradiisa F-16 iyo kuwa iska wada ee drones-ka loo adeegsaday duqeymo loo gaystay shacab iyo dad ka aragti duwan dowladda federaalka.

PUNTLAND POST