New York ( Wararka PP) — Nin Soomaali ah oo hore muddo kooban ilaalo ugu soo noqday Ilhaan Cumar ayaa dacwad lagu soo oogay gudaha Mareykanka ka hor intuusan kiisku burburin.
Sida uu wariyay wargeyska The New York Times, Cabdullaahi Maxamed, oo haysta dhalashada Soomaaliya iyo Biritayn, ayaa muddo kooban ilaalo u ahaa Ilhaan Cumar markii ay booqatay Soomaaliya labo sano ka hor.
Cabdullaahi oo markii dambe guursaday haweeney Mareykan ah, ayaa codsaday sharciga xaqa deganaanshaha joogtada ah ee Mareykanka.
Bishii Oktoobar 2025, saraakiisha socdaalka ayaa Cabdullahi Maxamed wareystay. Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay inuusan waligiis la shaqeynin siyaasiyiin Mareykan ah. Qareenkiisa ayaa markii dambe sheegay in uu su’aalaha si qaldan u fahmay, aqoontiisa afka Ingiriisku oo kooban awgeed. Ma cadda in turjubaan uu Cabdullaahi caawinayay iyo in kale.

Bishii Abriil 2026, Cabdullaahi waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu been u sheegay saraakiisha socdaalka. Waa dambi lagu muteysto ciqaab gaareysa ilaa shan sano oo xarig ah.
Qareenka Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in dacwad-oogayaashu u soo bandhigeen inay ka caawinayaan in aan dalka laga tarxiili doonin haddii uu keeno xog sababi karta in dambi lagu soo oogo Ilhaan Cumar.
Dambibaarayaasha ayaa Cabdullaahi Maxamed weydiiyey su’aalo ku saabsan guurka Ilhaan Cumar, taariikhdeeda socdaalka iyo lacago. Cabdullaahi wuxuu sheegay inuusan wax badan ka ogeyn arrimahaas.
Qareenkiisa ayaa sidoo kale ku dooday in Aqalka Cad uu ka dambeeyay baaritaanka.
Bishii Sebteembar 2026, Cabdullaahi wuxuu ka hor marag-furay xeerbeegti weyn oo Mareykan ah. Maalintii xigtay, dacwad-oogayaashu waxay maxkamadda u sheegeen in dacwaddii lagu soo oogay Cabdullaahi Maxamed ay la noqonayaan si loo tarxiilo.
Cabdullaahi ayaa markii dambe ka tegay Mareykanka oo ay xaaskiisu ku nooshahay.
In qofka la baarayo lagula gorgortamo inuu dambi qirto ama xog dambi gelinaysa qof la baarayo keeno waa mid ka mid ah tiirarka habka caddaaladda ee Maraykanka.
© Puntland Post, 2026