Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed?

Madaxweynaha dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Antalya ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Itoobiya Abiy Ahmed oo ay ka wada qaybgalayaan Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31).

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda diiradda ku saaray xiriirka labada dal iyo amniga gobolka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia.

“Labada hoggaamiye ayaa kulankooda diiradda ku saaray xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo amniga gobolka, iyaga oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda dadaalada lagu xoojinayo iskaashiga nabadda, horumarka iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka.

Kulan labada mas’uul ayaa yimid, xilli muddooyinkii dambe uusan wanaagsanayn xiriirka labada dhinac, kaddib markii  hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Masar, Eleteriya iyo Suudaan isku raaceen dhowr qodob oo la xiriira Badda Cas iyo webiga Niil.

Degaanno ka tirsan Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah oo qaybi ka tirsan tahay nabad ilaalinta midowga Afrika, kuwaas oo iyagu aan shaacin in ay bixi doonaan.

PUNTLAND POST