Qareennada Bariga Afrika oo baaq u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh

Ururka Qareennada dalalka Bariga Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo EALS ayaa madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u soo jeediyay in uu ixtiraamto go’aannada Maxkamadda Sare.

Qareennada Bariga Afrika waxay ku eedeeyeen madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud in uu qaaday tallaabooyin halis gelinaya madaxbannaanida garsoorka, iyaga oo xusay in ilaaladii laga qaaday guddoomiye Baashe, loona hanjabay garsoorayaal.

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa todobaadkii hore sheegtay in madaxweynaha dowladda federaalka iyo labada gole ee baarlmaanka uu xilku ka dhamaaday, muddada xil hayntoodana ahayd afar sano.

Sidoo kale Maxkamadda Sare waxay fartay dhinacyada ay qusayso doorashada in ay muddo 30 berri gudahood ah ku gaaraan heshiis wadar ogol ah, islamarkaana ay 90 berri gudahood ku qabtaan doorashada.

Maxkamadda Sare waxay sharci darro ku tilmaantay go’aankii uu madaxweyne Xasan Sheekh xilka uga qaaday guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed.

PUNTLAND POST