Garaad Cabdiqani Wuu Ka Digay Isku Dayga Burburinta Qarannimada Soomaaliya

Garaad Cabdiqani mar kasta wuxuu taageersanaa jiritaanka qarannimada Soomaaliya.

Laascaanood (Faallo PP) — Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac wuxuu ka mid ahaa  madaxdhaqameedka Soomaalida. Wuxuu kaalin weyn ku lahaa nabadeynta dhammaadkii siddeetaamkii qarnigii 20aad iyo ilaa sanadkii 2006 ka dhacday Soomaaliya. Wuxuu noqday Garaad kaddib geeridii walaalkii, Garaad Cali Garaad Jaamac billowgii siddeetaadmkii qarnigii 20aad.

Garaad Cabdiqani wuxuu ahaa Madaxii Xafiiskii Danaha Soomaalida ka hor dhalashadii dowladdii kacaanka, xaafiskaas oo shaqadiisu ku saabsanayd la socoshada xaaladda Soomaalida ku nool Kiinya, Itoobiya iyo Jaabuuti. Xilligaas waxaa taagnaa muran dhuleed maadaama dowladihii isku xigxigay ee Soomaaliya ay higsanayeen in Soomaalida ku nool dalalkaas afti laga qaado si ay Jamhuuriyadda Soomaaliya ugu soo biraan, haddii ay sidaas doortaan.

Kaalinta nabadraadin ee Garaad Cabdiqani waxay sii xoogeysty sanadkii 1988, markii dagaallo sokeeye ka qarxeen Burco iyo Hargeysa, oo ay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo ciidammadii ururkii SNM ku dagaallameen.

Garaad Cabdiqani aad ayuu uga xumaaday in culayska dagaalku uu ku dhacay rayidka, oo u qaxay qeybo ka mid ah Itoobiya. Wuxuu aamminsanaa in dowladdii kacaanku si xad-dhaaf ah uga jawaabtay weerarkii ururkii SNM labada magaalo si kedis ah ugu soo qaaday; in dowladdii kacaanku si xaqdarro ah u beegsanaysay beesha Isaaq. Dhowr jeer ayuu ku sigtay in Nabadsugiddii Soomaaliya ay Garaad Cabdiqani xirto. Wuu ka tagay Laascaanood si aan loo xirin.

Heshiiskii Balligubadle ee 1990kii

Garaad Cabdiqani muu ka mid ahayn urur mucaarad ah laakiin xiriir wadahadal ayuu la lahaa ururradii ka soo horjeeday dowladdii  kacaanka, gaar ahaan ururkii SNM. Sanadkii 1991kii ayuu ahaa markii ay mirodhaleen dadaalladii nabadraadinta uu Garaad Cabdiqani waday. Wuu ogaa in mas’uuliyad badan ay saaran tahay siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedka Soomaalida. Wuxuu sidoo kale ogaa in siyaasiyiintu, markay colaado ka dhex aloosayaan dadka, ay ku dadaalaan inay ku raadgataan madaxdhaqameedka. Mowqifkiisan wuxuu cadaadis weyn saaray dowladdii kacaanka oo aan ku wada guuleysanin barnaamijyo beelo isku dir ahaa oo ay wadday si xukunkeedu u sii jiro.

Wuxuu Garaad Cabdiqani ka mid ahaa saxiixayaashii Bayaankii Manifesto oo 1990kii ugu baaqay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre inuu taageero shir dib u heshiiniin oo dhab ah oo dalka u horseedi karay isbeddel siyaasadeed oo oggolaanshaha dadka ku salaysan. Isla sanadkaas wuxuu Garaad Cabdiqani heshiis nabadeed magaca beesha Dhulbahante kula galay ururkii SNM. Heshiiskaa, oo loo yaqaanno Heshiiskii Balligubadle, wuxuu dhowr bilood u ka dambeeyay Bayaankii Manifesto.

Dowladdii kacaanku way diidday baaqi ay soo jeediyeen saxiixayaashii Bayaankii Manifesto, oo eedda dagaallada sokeeye dusha ka saaray taliskii Siyaad Barre. Waxaa xusid mudan  qodob ku jiray Heshiiskii Balligubadle oo xusayay in “denbi-galku yahay mid qof waliba ka mas’uul yahay waxa uu geystay. Sidaas awgeed in aanay xaq iyo caddaalad ahayn in wadar ahaan loogu eedeeyo ama loola dhaqmo qabiil ama bulsho sidii wax mas’uuliyadda fal ama falal ciqaab iyo takoor mudan.”

Waxaa kale oo Heshiiskii Balligubadle ku jiray qodob ururkii SNM jebiyay markuu weeraray  degmooyin ka mid ah Awdal. Qodobku wuxuu u qoran yahay sidan : “In labada dhinac [Dhulbahante iyo SNM], si hagar la’aan ah uga wada shaqeeyaan sidii loo demin lahaa colaadda beeleed ee ka oogan gobollada Waqooyi-galbeed iyo Awdal, iyada oo afti nabadeed laga hayo labada Beeloodba [Isaaq iyo Gedobuursi].”

Sanadkii 2023 Isaaq iyo Gedubuursi oo isku dhinac ah ayaa soo weeraray Laascaaood. Waxay sheeganayeen inay dal gaar ah yihiin inkastoo ay magaca Dir kaga mid yihiin habka 4.5 ee dowladda federaalku ku salaysan tahay. 

Muddo kooban Waqooyiga Soomaaliya wuu ka badbaaday colaad baahsan oo la mid ah tii ka dhacday Koonfruta Soomaalida kaddib markii la riday dowladdii kacaanka sanadkii 1991.

Waaya-aragnimadiisii siyaasadeed ayaa u fududaysay Garaad Cabdiqani inuu sii arko waxa dhici kara haddii siyaasadda dib u heshiisiinta loo dhaafo dowlad ciidammadu u taliyaan oo awooddeedu ku salaysnayd  cabburin, kelitalisnimo iyo xukun dheereysi.  Guddoomiyihii ururkii SNM ee xilligaas Cabdirxmaan Axmed Cali “Tuur” ayaa wax weyn ka beddelay siyaasadda ururkaas.

Dagaalkii Laascaanood ee 2023kii

Maamulka Somaliland wuxuu sanadkii 2023kii Laascaanood kula kacay wixii uu kaga cabanayay taliskii militariga ee Soomaaliya (1969-1991), ka sokow in dadka Laascaanood uu ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Weli hadalkan beenta ah waa siyaasadda maamulka Somaliland oo ilaa hadda wax garawshiiyo ah ama raalligelin ah maamulka Somaliland kama bixin colaaddii Laascaanood ee 2023. International Crisis Group ayaa eedeyntii Muuse Biixi ku tilmaantay mid uu ku suuradxumaynayo dad ka soo horjeeda oo aan ka tirsanayn Al-shabaab.

Garaad Cabdiqani wuxuu billowgii sanadkii 2005 booqday Garoowe lana kulmay madaxweynihii Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse). Wuxuu kala hadlay in si nabad ah loo dhammeeyo colaaddii 2004 ka dhacday Adhicaddeeye, markii ciidammada Puntland iyo maamulka Somaliland ku dagaallameen duleedka magaalada.

Dhowrista Qarannimada Soomaaliya

Garaad Cabdiqani wuxuu weedha “waannu ka go’nay Soomaaliya” u arkay mowqif lid ku ah qarannimada Soomaaliya “Maannu  taageersanin kala-goynta Soomaaliya” ayuu Garaad Cadiqani sanadkii 2003 u sheegay  cilmibaare ka socday International Crisis Group. Wuu ogaa in qarannimada Soomaaliya tahay hantida keliya ay dadka Soomaalidu leeyihiin kaddib burburkii dowladdii dhexe. Waa hanti sharciyeed oo lagu difaaci karo danaha qaranka Soomaaliya xaalad kasta oo Soomaalidu ku jirto.

Wuxuu kale oo aamminsanaa in kaalinta madaxdhaqameedku noqoto isu soo dhoweynta Soomaalida, dhowrista qarannimada Soomaaliya iyo in aan la taageerin tallaabo  lagu cabburinayo, lagu barakicinayo ama lagu laynayo Soomaalida meel kasta oo ay dalkooda  kaga nool yihiin.

Shirkii Carta ayuu ka qeybgalay Garaad Cabdiqani hase ahaatee Shirkii Embagathi ay Kiinya abaabushay wuu ka qeybgali kari waayay dhibaatoorin ka soo foodsaaray dhanka socdaalka awgood.

Gaaraad Cabdiqani Garaad Jaamac wuxuu ahaa hoggaamiye dhaqameed iyo siyaasi. Labadan kaalimood caqabad weyn ayay ku noqdeen himilooyinkiisii siyaasadeed. Garaad Cabdiqani wuxuu ka digi jiray xagjirnimada siyaasadeed ee dadka u ololeeya burburinta qarannimada Soomaalida. Labaatan sano ka hor ayuu Garaad Cabdiqani ku geeriyooday Jabuuti.

© Puntland Post, 2026