
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay guddoonka baarlamaanka, kaas oo looga hadlay wax-ka-baddelka.
Kulanka waxaa lagu soo bandhigay xog ururin la sheegay in ay ka soo baxday wadatashiyo lala yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland, taas oo quseysa qodobada wax-ka-bedelka lagu sameynayo ee dastuurka Puntland.
Kulanka waxaa ka qaybgalay guddiga baarlamaanka u qaabilsan qiimeynta wax-ka-bedelka dastuurka, guddiga doorashooyinka Puntland, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo mas’uuliyiin kale.
Golaha xukuumadda ayaa hore baarlamaanka ugu soo gubiyay hindisaha wax-ka-beddelka dastuurka, waana markii labaad oo madaxweyne Deni soo gudbiyo wax-ka-baddel dastuur tan iyo intii uu hayay hoggaanka Puntland.
Qaar ka ka mid siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa diidan wax-kabaddelka dastuurka, iyada oo wax-ka-beddelkii hore ee 2023 uu sababay dagaal ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Garoowe.
PUNTLAND POST