Somaliland oo abaalmarisay askari qabtay oo wareejiyay nin walaalkiis dilay

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta billad abaalmarin iyo darajo ciidan (Xiddig) ku maamuusay Axmed Geeddi Maxamed oo ah askari ka tirsan ciidanka booliska qaybta gobolka Sanaag ee Somaliland.

Askarigan ayaa la sheegay in uu dhawaan soo qabtay gacan-ku-dhiigle dilay walaalkiis, isaga oo si masuuliyad leh ugu wareejiyey hay’adaha amniga, si loo hor geeyo caddaaladda.

Madaxweyne Cirro ayaa boggaadiyay tallaabada uu qaaday askarigan, isaga oo tilmaamay in ficilkaasi yahay tusaale qiimo leh oo muujinaya sida uu askarigani u ilaaliyay haybaddii iyo sharaftii direyska uu sito.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in geesinimada dhabta ahi ay tahay xakamaynta naftaada iyo ka dhawr sanaanta dareenka aar-goosiga marka aad la kulanta xaaladda uu la kulmay askarigan, taasoo ahayd in hal mar lagu wada wareejiyay maydkii walaalkii iyo gacan-ku-dhiiglihii dilay.

PUNTLAND POST