
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta Muqdisho ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrinta la xiriirta Maxkamadda Sare.
Goluhu wuxuu afgambi ku tilmaamay xilka qaadista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sameeyay guddoomiyihii Maxkamadda Sare, iyaga oo sheegay in hay’adaha amniga ay baacsi ku hayaan guddoomuye Baashe Yuusuf Axmed.
Golaha Mustaqbalka waxay soo dhaweeyeen xukunka Maxkamada Sare ay ku sheegtay in muddadii dowladda dhammaatay doorashadana lagu qabto muddo 90 cisho ah.
Goluhu wuxuu u sheegay beesha caalamka in muddo xileedkiisii madaxweynaha iyo golaha baarlamaanka uu dhammaaday 15 Maajo 2026 iyo 14 Abriil 2026, islamarkaana ay kuraasta ugu fadhiyaan si sharci darro ah.

PUNTLAND POST