Dad shacab ah oo lagu laayay Muqdisho

Howlgal dhul ka saaris ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya maanta ka waday degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sababay dhimashada ilaa saddex qof oo rayid ah iyo dhaawaca tiro kale.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca wuxuu yimid markii ciidamka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay rasaas ku fureen dadka shacab ah oo ka bannaanbaxayay howlgalka dhul ka saarista ee degmada Dayniile.

Maahan markii ugu horreysay oo dad shacab ah ku dhintaan howlgal la xiriira dhul ka saaris oo ka dhacay degmada Dayniile. Labo jeer oo hore ayay dhacdadan oo kale ka dhacday degmadaas.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si kulul uga cambaareeyay dhacdada maanta ka dhacday ee degmada Deyniile.

Ra’iisul Wasaare hore Khayre wuxuu sheegay in dadka la toogtay ay ahaayeen shacab dibadbax nabadeed kaga dhiidhinayay wax uu ku tilmaamay barakicinta iyo burburinta guryahooda.

Khayre wuxuu ugu baaqay saraakiisha iyo ciidamada dowladda in ay ka waantoobaan tacaddiyada ka dhanka ah shacabka, islamarkaana ay ilaaliyaan nolosha, karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa labadii sano ee u dambeeyay Muqdisho ka waday howlgallo ay ku sheegtay in ay kula wareegayso dhulka danta guud, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo barakac.

PUNTLAND POST