Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo lagu dhaariyay Villa Somalia

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyay guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, Ibraahim Iidle Suleymaan, kaas oo maalmo ka hor uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha cusub waxaa dhaariyay xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana goob joog ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale munaasabadda dhaarinta waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Xamse, wasiirka caddaalladda iyo dastuurka iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha cusub ayaa la dhaariyay, xilli garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare ay sharci darro ku tilmaameen xilka qaadistii guddoomiyihii hore, Baashe Yuusuf Axmed.

PUNTLAND POST